4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 6 , 2019
Qeybo ka mid ah gobollada dhexe Soomaaliya oo aan maanta laga Soonney

 

Isniin, May, 06, 2019 (HOL)- Iyadoo guud ahaan marka la eego dunida Muslimka iyo inta badan dhulka Soomaalida maanta u tahay maalinta 1aad ee bisha Barakeysan ee Ramadaan, ayaa dhinaca kale waxaa jirta in qeybo ka mid ah gobollada dhexe ee Soomaaliya aan maanta laga sooneyn.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Dhuusa-Mareeb ee bartaha Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in maalinta berri ah ay ku beegan tahay 1da bisha Ramadaan, iyaga oo sheegay in ay maanta kaamilayaan [Buuxinayaan] 30ka bisha Shacbaan.

Guddoomiyaha guddi loo xil saaray xaqiijinta iyo raadinta Bisha Ramadaam Sheekh Cali Nuur Cilmi ayaa sheegay in maanta aan laga soomeyn deegaannada Galmudug guud ahaan , isla markaana aysan arkin Bisha Ramadaan.

Khilaafka inta badan ka dhashay bilashada bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa caado ka ah qeybo ka tirsan dhulka Soomaalida gaar ahaan gobollada dhexe, sababta ugu weyn ayaa lagu tilmaamayaa kala duwanaashaha madaahibta ay kala aaminsan yihiin Ururrada diimeedka ee dalka ka jira.

Sidoo kale maalinta Ciidda ayaa ka mid ah maalmaha sidan oo kale leysugu khilaafo, gaar ahaan marka la eego deegaannadii ay horay u maamuli jireen Ururka Ahlu Sunna Waljameeca oo maalin dib uga dhaca tukashada Salaada Ciidda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]