4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 5 , 2019
Zakiya Xuseen: Ciidanka amniga waxay qabteen kayd hub oo al-Shabaab ku fulin lahaayeen weerarro bisha Ramadaan

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Taliye ku-xigeenka booliska Soomaaliya, Sareeye Guuto  Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay ciidanka amniga inay gacanta ku dhigeen kayd hub oo ay al-Shabaab ku lahaayeen degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

"Howlgal ay ciidanka amniga xalay ka sameeyeen magaalada Marka waxay ku guuleysteen inay helaan kayd ay al-Shabaab  leedahay, halkaas oo ay ka soo saareen 12-xabo miinooyin oo ah kuwa Anti-Taangiga iyo labaatan Kiilo oo Sunta Qaraxyada laga sameeyo ah... Al-Shabaab  waxay doonayeen marka ay bisha barakeysan ee Ramadaan billaabato iney ku howlgalaan kuna waxyeeleeyaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka deggan gobolka Banaadir". Sareeye Guuto  Zakiya Xuseen ayaa sida u sheegay warbaahinta.

Ciidammada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay labo nin oo 1-dii bishan April ku dilay degmada Waabari Marxuum Cabdullaahi Cali Macow oo ka tirsanaa askarta ilaaladda deegaanka ee loo yaqaanno Minashiibiyada,sida ay sheegtay taliye ku-xigeenka booliska.

"Waxaan uga digeynaa muwaadiniinta gobolka Banaadir inay si fiican uga fiirsadaan iskana hubiyaan dadka ay guriyaha ka kireynayaan, hadda kaddib guriga lagu soo qabto argagixiso ama agab liddi ku ah amniga, waxaa mas'uuliyada qaadaya mulkiilaha iyo dilaalka guriga soo dejiyay". ayay tiri Zakiya Xuseen  oo ugu dambeyn uga mahadcelisay shacabka sida ay ula shaqeynayaan ciidanka amniga.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]