4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Madaxweynihii hore ee Nayjeeriya oo booqasho ku yimid Somaliland

Axad, May 05,   2019  (HOL)- Madaxweynihii hore ee dalka Nayjeeriya Olusegun Obasanjo ayaa maanta booqasho ku yimid Hargeysa, waxaaana loo sameeyey qaddo ay ka soo qaybgaleen madaxweyne Biixi , hogaamiyeyaasha asxaabta.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire oo  madasha ka hadlay ayaa u mahadnaqay madaxweynaha hore ee dalka Neyjeeriya , Mr. Olusegun Obasanjo ee booqashada ku yimd Somaliland, waxaanu ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, horumarka ay ku tallaabsatay iyo hiigsiga fog ee ay leedahay.

Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, ahna guddoomiyaha Hay’adda Brenthurst Foundation oo waddamada qaaradda Afrika ka caawisa arrimaha la xidhiidha dhaqaalaha oo goobta hadal ka jeediyey, ayaa isna u mahadnaqay horumarka ay Somaliland ku tallaabsatay iyo midnimada ka muuqata qaybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Obasanjo, waxa uu sidoo kale sheegay in sababta uu Somaliland u yimi salka ku hayso sidii uu wax badan uga ogaan lahaa xaaladda dhabta ah ee halkan ka jirta, isaga oo shacabka Somaliland iyo xukuumaddoodana ugu baaqay inay sii adkeeyaan xasilloonida iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, waxana uu yidhi, “Waxannu halkan u nimid inaan aragno oo indho indhayno oo aannu dhegaysanno, ilaa imikana waxannu aragnay waxyaabo waaweyn oo aad qabsateen, waxad haysataan nabad, ammaan iyo horumar, waxana aan idinku dhiirrigelinayaa inaad sii joogtaysaan.”

Madaxweyne Obasanjo oo maanta kasoo degay garoonka Cigaal International ee magaalada Hargeysa waxa madaarka Hargeysa ku soo dhoweeyey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida golaha wasiirada, maayarka caasimada, gudoomiyaha xisbiga UCID iyo masuuliyiin kale ayaa sidoo kale booqasho ku tegya xarumaha golaha wakiillada iyo maxkamadda sare, waxana uu halkaas kulamo kula qaatay shirguddoonka Barlamaanka iyo hoggaanka waaxda garsoorka qaranka Somaliland.

 
Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.