4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Maxkamadda gobolka Banaadir oo go'aan ka gaartay dacwadda mas'uuliyiin ka tirsan dekedda Muqdisho iyo ganacsato


Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta go'aan ka gaartay dacwad loo heystay mas'uuliyiin ka tirsan dekedda Muqdisho iyo eedeysanayaal.

Saraakiisha dekedda Muqdisho iyo ganacsatada la horkeenay maxkamadda ayaa loo heystay eedeymo la xiriira isdaba marin dhanka canshuuraha,balse go'aan ay maanta maxkamadda soo saartay ayaa lagu sheegay in wax dambi ah lagu waayay kaddib markii ay ku guul dareysteen xafiiska Xeer ilaalinta in ay maxkamadda horkeenaan caddeymo ku filan in lagu helo eeda ay usoo jeediyeen muwaadiniintaas.

Maxkamadda ayaa shan eedeysane amartay in xuriyadoodda dib loogu celiyo halka ay labo eedeysane oo maqanayaal ah ku celisay dacwadoodo maxkamadda darajada 1-aad maaddaama aan loo marin habraaca dacwadaha dadka maqan sida soo qabasho ama baafin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]