4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Shirkii dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo Garoowe ka furmay


Axad, May, 05, 2019 (HOL) - Shir wadatashi ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow ka furmay magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa guddoominaya shirka , madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ,iyadoo ay ka qeybgalayaan Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka,madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirkan oo ay martigelisey Puntland ayaa gundhiggiisu yahay wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada xubnaha ka ah, waxaana warar horudhac ah oo laga helay ay sheegayaan in looga hadlayo shirka qodobbo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda, Amniga, qeybsiga kheyraadka, doorashada 2020/2021, iyo nooca ay noqon doonto.

Ilaa hadda ma cadda muddada uu shirka soconayo,balse wuxuu ku soo aaddaya xilli isfahan-waa xooggan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]