4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 5 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo Garoowe kula kulmay madaxweynaha Galmudug

Axad, May, 05, 2019 (HOL) -  Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo ku sugan magaalada Garoowe ayaa la kulmay madaxweynaha dowlad-gobolleedka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo mas'uuliyiin ka tirsan maamulka.

Kulanka ayaa la sheegay in looga hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad-gobolleedyada, isla markaana loo abuuri lahaa jawi ka duwan xaaladihii hore,sida laga soo xigtay ilo ku dhow kulanka.

Xaaf, ayaa horay dhowr mar ku eedeyay dowladda federaalka inay faragelin ku hayaan maamulka Galmudug, waxaana khilaafka dowladda dhexe iyo Galmudug uu ahaa mid soo jiitamayay muddo labo sanno ah.

Ra'iisul wasaare Khayre, ayaa u muuqda inuu Garoowe uga faa'iideysanayo la kulanka madaxda dowlad-gobolleedka ee halkaa u jooga ka qeybgalka shirka dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Horay, wuxuu kulan wada-jir ah uu la qaatay hoggaamiyeyaasha Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle,halkaa uu kulan gaar ah la qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]