4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Soo Xiray Shirka Rugta Ganacsiga Qaranka


Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa soo xiray shir rugaha Ganacsiga dalka laba maalin uga socday magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaare Khayre, ayaa munaasabadda xiritaanka shirka ka sheegay in dawladdu si dhaw ula shaqanyso ganacsatada ayna bogaadinayso dowrkooda ku aadan horumarinta, ganacsiga, dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka.

Waxa uu Ra'iisul Wasaaruhu kula dardaarmay ganacsatada iyo hoggaanka rugaha ganacsigu in ay xoojiyaan xiriirka ka dhexeeya si horumarin loogu sameeyo ganacsiga gaarka loo leeyahay.

Arrimaha ay shirkooda uga hadleen rugaha ganacsiga dalka, ayaa waxaa kamid ahaa suuq geynta wax–soo–saarka dalka, iyo sidii shirkadaha Soomaaliyeed uga qayb geli lahaayeen carwooyinka iyo bandhigyada lagu qabto suuqyada heer gobol iyo heer caalami.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]