4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Garoowe

 


Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Magaalada Garoowe ee xarunta dowlad gobolleedka Puntland waxaa galabta gaaray madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinta berri ah halkaa ka furaya shirka dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada.

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa ayaa ku soo dhoweeyay wafdiga uu horkacayay Mdaxweyne Farmaajo garoonka Diyaaradaha Garoowe.

Waxaa horay u sii joogay Garoowe ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo guud ahaanba madaxda dowlad gobolleedyada dalka Soomaaliya.

Shirkan oo ay marti-galineyso Puntland ayaa looga hadli doonaa qodobo dhowr ah oo u badan guud ahaanba marka la eego siyaasada dalka iyo xiriirka u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedyada oo waayadii ugu danbeeyayba aan wanaagsaneyn.

Sidoo kale shirka maalinta berri ah ayaa imanaya xili inta badan dowlad gobolleedyada dalka qaadaceen shirka Dooorashooyinka Qaranka oo ay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya, iyaga oo sharcigaa ku tilmaamay mid loogu marmarsiyoonayo muddo korarsi ay sameystaan madaxda xiligan marka uu waqtigood dhamaado.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]