4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Munaasabad lagu taageerayay Xisbiga Midnimo Qaran oo lagu qabtay Beledweyne


Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Munaasabada oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed iyo dhalinyaro, ayaa lagu taageeray Xisbiga Midnimo Qaran oo uu hoggaamiyo Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Siyaasi CabdiNuur Sheekh Maxamed.

Ka qeybgalayaasha munaasabada oo ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan ayaa soo dhaweeyay siyaasada Xisbiga iyo hoggaankiisa intaba, iyaga oo sheegay in CabdiNuur Sheekh Maxamed yahay Aqoonyahan nadiif ah oo wax badan ka badali kara siyaasadda Soomaaliya , iyaga oo guul u rajeeyay Xisbiga Midnimo Qaran oo ka mid ah asxaabta siyaasada dalka.

Nabadoon Maxamed Sheekh Aadan oo ka mid ahaa wax-garadkii ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in ay rajo badan ka qabaan Xisbiga iyo Hogaankiisa intaba, isaga oo uga digay in ay qaataan siyaasad guracan oo aan waxba u soo kordhin doonin dadka iyo dalka intaba.

Dhalinyaro badneyd aqoonyahanno siweyn uga soo qeybgalay munaasabada lagu taageerayay Xisbiga ayaa ku dheeraaday sida ay ugu han-weyn yihiin hoggaanka Midnimo Qaran oo ay ku tilmaameem in uu yahay shaqsi sida ay hadalka u dhigeen lagu aamini karo masiirka dalka iyo dadka intaba.

Soomaaliya ayaa hadda la filayaa in ay qaadato nidaamka Asxaabta ama Xisbiyada iyadoo tan iyo wixii ka danbeeyay burburkii dowladda dhexe, dowladdihii dalka isaga danbeeyay ku soo dhismayeen hab qeybsiga beelaha 4.5 oo dad badan ay u arkaan nidaam u baahan in laga gudbo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]