4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Xisbi uu hoggaamiye ka yahay Taabit Cabdi Maxamed oo la diiwaangaliyay

 

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Xisbiga Awoodda Shacabka oo uu horkacayo gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ku soo biiray Asxaabta siyaasadda dalka, kaddib markii guddiga doorashooyinka ay maanta guddoonsiiyeen Shahaadada diiwaa-galinta.’

Xisbiga Awoodda Shacabka (People's Power Party) waxaa sidoo kale ku jira siyaasiyiin hore, aqoonyahano, ganacsato iyo dad badan oo qiimo kuleh bulshada dhexdeeda Thabit Cabdi ayaa la sheegay inuu arrimaha xisbigaan ku mashquulsanaa tan iyo bishii Janaayo ee 2018.

Gudoomiye ku-xigeenkii hore ee gobalka Banaadir Cabdulaahi Cilmi Xaaji Ereg, oo hadana ah gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awooda Shacabka ayaa maanta ka gudoomay guddiga doorashooyinka Qaranka shahaadada xisbiga.

“Waxaan uga mahadcelinaya guddiga doorashooyinka Qaranka sida wacan ee ay howshaan u hageen, waxaan rajo badan ka qabnaa in loolanka siyaasadda ee Soomaaliya uu noqon doono Xisbiyo ku tartama adeega shacab, wax badan oo ku saabsan xisbiga Awoodda Shacabka waxaad dhamaantiin ku ogaan doonta munaasabada ugu soo horeysa ee Xisbiga ayuu yiri Xaaji Ereg, gudoomiyaha KMG ah ee Xisbiga Awoodda Shacabka.

Guddigga doorashooyinka ayaa maanta oo kaliya shahaado guddoonsiiyay ilaa 7 xisbi oo ka mid noqonaya asxaabta siyaasada dalka.

Siyaasiyiinta Soomaalida ayaa intooda badan isha ku haya in laga guuro hanaanka qabiilka ee 4.5, iyadoo loo gudbaayo in lagu tartamo nidaamka xisbiyada badan. Beesha Caalamka ayaa sidoo kale xoog iyo xoolo ku bixineysa in saamileyda siyaasada ee Soomaaliya, in ay arrintaan ka dhabeeyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]