4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2019
Diyaarad Boeing 737 ah oo ku dhacday wabi ku yaalla Marekanka

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)-  Diyaarad Boeing 737 ah oo ka timid xarunta Milatariga ee Guantanamo Bay oo ku taal Cuba oo ay la socdeen  143 qof ayaa ku dhacday wabiga Johnville ee gobolka Florida ee dalka Marekanka,kaddib markii ay ka baxday waddada ay diyaaradaha caga dhigtaan ee garoonka diyaaradaha Jacksonvilla.

Diyaaradda waxaa usoo gurmaday ciidammada gargaarka degdegga ah iyadoo laga soo badbaadiyay dhammaan dadkii saarnaa,inkastoo 27 ka mid ah rakaabka ay soo gaaren dhaawac fudud.

Madaxa Booliiska ee magaalada Jacksonville ayaa sheeegay in diyaaradaasi ay si nabad ah u dul sabeyneyso biyaha dushoo,isla markaana ay ka badbaaday in ay quusto ama ay tagto gunta hoose ee biyaha.

Ciidammada ammaanka maraakiibta iyo kuwa gargaarka degdegga ah ayaa gurmad bani'aadanimo u fidiyay dhibanayaashii ka badbaaday shilka diyaaradaasi,waxaana illaa hadda socota baaritan la xiriira waxa sababay diyaaradan inay ku dhacdo wabiga.

Shilalkii u dambeeyay ee diyaaradaha oo ka dhaca caalamka waxay ahaayeen diyaaradda ay sameysay shirkadda Marekanka laga leeyahay ee Boeing ,iyadoo la xasuusto boqollaal ruux oo ku dhintay labo diyaaradood oo laga lahaa dalalka Indonesia iyo Itoobiya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]