4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Xaaf oo ku biiray madaxda dowlad-gobolleedyada ee ku sugan Garoowe

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Garoowe madaxweynaha  dowlad-gobolleedka Galmudug,Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Madaxweyne Xaaf, ayaa ku biiray madaxda dowlad-gobolleedyada ee ku sugan magaalada Garoowe, halkaa oo ay horey u joogeen hoggaamiyeyaasha maamullada ee Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Hirshabeelle.

Hoggaamiyeyaasha dowlad-gobolleedyada ayaa kaga qeybgalaya Garoowe shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo maamul-gobolleedyada, iyadoo shirka diirrada looga saarayo xal u helidda khilaafka labada dhinac, amniga , arrimaha siyaasadda iyo hannaanka doorashada.

Sidoo kale, waxaa Garoowe ku sugan wafdi ka socda dowladda federaalka uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa xalay sheegay shirka inuu furmayo Sabtida maanta ah, balse ma uusan furmin illaa hadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]