4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Kuuriyada Waqooyi oo tijaabisay tiro gantaalo ah

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Kuuriyada Waqooyi ayaa u muuqaata inay dib usoo nooleysay habkeeddii tijaabada gantaalada,iyadoo war cusub oo laga helay Sabtida maanta ah dowladda dariska la ah ee Kuuriyadda Koonfureed lagu sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tijaabisay tiro gantaalada nooca riddada gaaban ah.

Madaxa shaqaalaha ciidanka Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in Kuuriyada Woqooyi ay tuurtay gantaalo xiriir ah oo ay ka soo gantay magaalada bariga dalkaas ku taalla ee Wonsan, in yar ka dib 9 aroornimo ee xilliga dalkaas.

Faahfaahin kale oo dheeraad ah lagama bixin gantaalada, hase yeeshee, gantaalada riddada dhawi xadgudub kuma aha cunaqabateynadii caalamiga ah ee saarnaa barnaamijka gantaalada ee Kuuriyada Woqooyi,mana jiro wali hadal ka soo baxay Kuuriyada Waqooyi.

Arrintan ayaa u muuqata talaabadii u dambeysay ee Kuuriyada Woqooyi ay qaaddo ka dib markii uu burburay wada-hadalkii nuclearka ee Maraykanka iyo iyada u dhexeeyey.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]