4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 4 , 2019
Dhageysiga dacwadda loo haysto rag ku eedeysan kiiskii Caa'isha Ilyaas oo dib loo dhigay

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)-  Maxkamadda derejada kowaad ee gobolka Nugaal oo maanta u fariisatay dhagaysiga kiiska kufsiga iyo dilka ee lagula kacay gabar 12 jir ah oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo , ayaa dib u dhigtay illaa maalinta sabtida ee toddobaadka dambe.

Kiiskan wuxuu ahaa mid aad isha loogu hayay, waxaana dhageysigiisa ka qeybgalay wasiirrada haweenka iyo cadaaladda ee Puntland, Eheleda dhibanaha iyo eedaysanayaasha, waxaa kaloo ka qaybgalay dad lagu casuumay inay dhagaystaan kiiska iyo sida ay u dhacayso maxkamadaynta ragga ku eedeysan kufsiga iyo dilka.

10 nin oo maxkamadda la horkeennay ayaa ku eedeysan illaa toddobo dambi oo ay ku jiraan, kufsi wadareed, dil iyo sumcad dil.

Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha guud ayaa dacwad ku soo oogay 10 eedaysane oo loo haysto kufsi iyo dil arxan darro ah oo loo gaystay Caa’isha Ilyaas. Mid ka mid ah qareennada uu doodayay eedaysanayaasha ayaa codsaday in dib loo dhigo kiiska dacwada si ay waqti dheeraad ugu helaan kiiska.

Guddoomiyaha maxkamada derejeda 1aad ayaa ogolaaday in dib loo dhigo maxkamadaynta 10 nin ee ku eedaysan kiiska kufsiga iyo dilka.

Waa markii u horreysay oo eedeysanayaasha kiiskan la horkeenno maxkamad dadweynaha ay si toos u arkaan ragga la soo eedeyay,waxaana hadda mar kale dib loo sugaya dhageysiga labaad ee maxkamadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]