4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo la kulmay Deni ka hor shirka Garoowe

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre oo ku sugan Garoowe ayaa kulan gaar ah xalay la qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ka hor shirka wada-tashiga ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada uga furmaya Garoowe.

Kulanka oo ka dhacay hoyga uu Garoowe ka deganyahay ra'iisul wasaare Khayre, waxaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, waxaana ay iska xog-wareysteen arrimaha siyaasadda.

Waxaa kalo ay isku soo qaadeen shirka lagu waddo inuu furmo Sabtida maanta ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada u dhaxeeya, sida laga soo xigtay saraakiil ku dhow kulanka.

Kulanka ayaa ku soo aadday, xilli dowlad-gobolleedyada oo ay Puntland ugu horreyso ay qaadaceen xeerka doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha xukuumadda federaalka ee uu hoggaamiye Xasan Cali Khayre.

Wada-hadallada cusub ee hadda u billaabanaya dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa waxaa dhawaan ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland, Siciid Deni,iyadoo la filayo in diirrada la saaro xal u helidda khilaafka, amniga iyo arrinta ay doodda ka taagan tahay ee doorashooyinka.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]