4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Madaxweynaha Afghanistan oo sheegay inay diyaar u yihiin xabbad joojin

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Afghanistan , Ashraf Ghani ayaa sheegay maamulkiisa inuu diyaar u yahay xabbad joojin ay la galaan ururka Taalibaan.

Ghani, oo ka hadlayay xafladda xiritaanka ee wada-hadallada nabadda oo lagu qabtay magaalada Kabul ee xarunta Afghanistan ayaa sheegay in hal dhinac kaliya aysan suura gal aheyn in xabbada ay joojiso.

"Haddii Taalibaan ay joojiso xabbada annagana diyaar ayaan u nahay taasi ..waa waddada kaliya ee lagu wadashaqeyn karo." ayuu yiri madaxweyne Ashraf Ghani.

Madaxweynaha Afghanistaan ayaa dhanka kale ku dhawaaqay sii deynta 175 maxbuus oo xiran dowladda kana tirsan dagaal-yahannada Taalibaan.

Balse ururka Taalibaan ayaa diidday in uu ka soo qeyb galo wada-hadalkaan lagu marti qaaday.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]