4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Dad rayid ah oo lagu laayay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan

 

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)-Wararka ka imanaya degmada Maxaas ayaa sheegaya in Ugu yaraan Lix ruux oo carruur ay ka mid ahaayeen lagu dilay weerar lagu qaaday gaari ay la socdeen habeennimadii xalay.

Falkan ayaa gaar ahaan ka dhacay inta u dhaxeysa deegaaanada Baan-yaaleey iyo Teedaan ee Gobalka Hiiraan, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar ka mid ah mas'uuliyiinta degmada Maxaas.

Dadka ku dhintay weerarka ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa darawalkii waday gaariga la weeraray oo ahaa mid kuwa xamuulka qaada ah oo ay la socdeen dad u badnaa haween iyo carruur safar ah.

Sidda ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ku sugan degmada Maxaas koox dabley ah ayaa waddada u galay gaariga ay la socdeen dadkan kuwaa oo mar kaliya rasaas huwiyay.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay gaareen  goobta dadkaasi lagu laayay, waxaana warar qaar ay sheegayaan in dadkan loo dilay Aano qabiil iyo arrimo la xiriira dilal horay uga dhacay deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]