4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 4 , 2019
Madaxweyne Farmaajo oo maanta ku sii jeeda magaalada Garoowe

 

Sabti, May, 04, 2019 (HOL)- Magaalada Garoowe waxaa lagu wadaa in uu maanta ka furmo shir halkaa ay ku yaalanayaan madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobolleedyada, iyadoo saacadaha soo socda magaalada Garoowe laga sugayo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre iyo madaxda dowlad gobolleedyada dalka ayaa maalintii shalay gaaray Garoowe oo uu ku soo dhaweeyay madaxweynaha maamul gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo markii horeba la lahaa martiqaadka shirka.

Shirkan maanta ka furmayo magaalada Garoowe ayaa ku soo beegmaya xili xasaasi ah oo siweyn guud ahaan marka la eego loogu kala aragti duwan yahay geedi socodka siyaasada dalka iyo doorashada marka la gaaro sanadka 2021 oo durbaba khilaaf xoog leh uu ka abuurmay kaddib meel marintii Golaha Wasiirradda ee shirka Doorashooyinka oo ay dood adag ka keeneen madaxda dowlad gobolleedyada qaarkood iyo Xisbiyada mucaaradka.

Sidoo kale shirkan ayaa imanaya xili maamul gobolleedyada qaarkood ku eedeynayaan dowladda dhexe in ay fara-galin ba’an ku heyso arrimahooda gudaha, iyadoo madaxweynaha maamulka Jubbaland uu dhawaan sheegay in amni darrada ka jirta Kismaayo laga soo abaabulo magaalada Muqdisho.

Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa muddo sanad ah wax shir ah yeelan, tan iyo shirkii Baydhabo ka dhacay bishii June ee sanadkii hore, waxaana labo jeer oo is xigtay baaqday shir uu isugu yeeray madaxda dowlad gobolleedyada dalka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]