Prof. Dufle: “Sigaarku wuxuu sababaa kansarka Sambabada & cuduro kale oo halis ah”
Jimco, May. 31, 2019 (HOL) - Dhaqaatiirta Soomaaliyeed
ayaa mar kale bulshada uga digay qatarta uu leeyahay sigaarka iyo cudurada
halista ah ee ka dhasha, iyadoo sanad walba maanta oo kale 31-ka May 2019 ay ku
beegan tahay maalinta caalamiga ah ee loo asteeyey joojinta cabista Sigaarka.
Prof/Dr. Cismaan Maxamuud Dufle oo ka mid ah dhaqaatiirta
Soomaaliyeed ayaa ka waramay dhibaatada uu sigaarka iyo noocyada kale ee
tubaakadu ku hayaan caafimaadka iyo dhaqaalaha bulshada.
Waxaa uu sheegay Profesor. Dufle in sanadkan heyadda
caafimaadka Adduunka ee WHO ay diirada saartay sigaarka iyo cudurada uu u keeno
Sambabada iyo Neef-mareenka “Tobacco and Lung Health” si loo muujiyo qatarta
iyo dhibaatada cabista sigaarku u leedahay Sambabada iyo neef-mareenka qofka
isticmaala.
“Maanta oo ay ku beegan tahay 31-ka May 2019 waa maalinta
loo asteeyay joojinta cabista sigaarka ee caalamka, taasoo looga gol leeyahay
in bulshada lagu wacyi geliyo khatarta uu leeyahay, tubaakada waxay u kala
baxdaa noocyo badan sida: Sigaarka, Siigarka, Bayb-ka, shiishada, Tubaakada la
ruugo, mida la calaliyo iyo tan kale ee daanka la gashado, intaasoo dhanba waa
khatar caafimaad haba ku kala badnaadeene” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle.
Waxaa uu sheegay in guud ahaan adduunyada cabista
sigaarka lagu qiyaaso 1.1 bilyan oo qof. ku dhawaad Hal bilyan oo u dhiganta
(80%) ayuu sheegay iney ku nool yihiin waddamada soo koraya, isagoo xusay in
cabista sigaarka ragga uu ku badan yahay qiyaastii shan jeer haweenka.
“Sigaarku wuxuu sababaa dhimasho degdeg ah ama cimri
gaabad, waxaana la sheegaa in sanad walba ay u dhintaan sigaar cabista qiyaas
dhan 8 milyan oo qof, qiyaastii 1 milyan oo ka mid ah dadkaasna ay yihiin dadka
aan cabin sigaarka sida tooska ah (”Second hand Smoke)” ayuu yiri dhaqtarku.
Sidoo kale wuxuu Dhakhtarku xusay in sigaarka 4tii ilbiriqsiba uu qof u dhinto
guud ahaan caalamka.
Prof. Dufle ayaa tilmaamay in sigaarka laga helo in ka
badan 4,000 kun maaddo oo sun kiimiko ah, 250 ka mid ah maadooyinkaasna ay
yihiin kuwa Qatar ku ah Caafimaadka aadanaha, in ka badan 50 kalena ay dhalin
karaan cudurka kansarka. Waxaana ka mid ah ayuu yiri maaddada (Tar, Arsenic,
benzene, formaldehyde, carbon monoxide & amooniyo) waxaa kaloo ku jira ayuu
yiri dhaqtarku maadada Nicotin-ka oo sababa in la qabatimo sigaarka jir ahaan
iyo maskax ahaan.
“Dadka sigaarka caba khatarta uu u keeno waxay ku xiran
tahay waqtiga dheer ee uu isticmaalayey iyo xaddiga uu ka isticmaalo, waxaa
kaloo jirta in qofka haddii uu joojiyo isticmaalka tubaakada ama sigaarka waqti
hore in khatarta cudur ee uu keenayo ay sii yaraan karto” ayuu intaa ku daray
hadalkiisa Prof. Dufle.
Dhaqtarka ayaa sheegay in cabista sigaarka uu sababo 25
cudur oo ay ka mid yihiin kuwa ku dhaca Sambabka sida cudurka Kansarka Sambabka
30-35 %. “Khatarta kale ee keeni karta kansarka sambabada waa qof ka agdhow
meesha lagu cabayo sigaarka sida guriga iyo goobaha shaqada (Second-hand smoke)
oo qaadanaaya qiiqa sigaarka agagaarkiisa lagu cabaayo, kaasoo la sheegay in
khatartii cuduradii la soo sheegay ay ku dhici karaan qiyaas dhan 25-30%” .
Sanadkiina waxaa u dhimata kansarka sambabka guud ahaan caalamka 1.8 milyan oo
qof ayuu yiri Prof-ku.
Wuxuu kaloo sababaa cudurada sambabka iyo neef-mareenka
ku dhaca sida Chronic Obstructive Pulmonary Disease (COPD), sambabka oo
weynaada ama adkaada (Emphysema) iyo Chronic Bronchites.
Dhaqtarka wuxuu kaloo sheegay in cabista sigaarka uu
sababo cudurada ku dhaca wadnaha iyo xididdada 20-30% (Heart attack and
Stroke).
Sidoo kale wuxuu sababaa Kansarka Dhuunta iyo Afka
(larynx and mouth), kansarka ku dhaca hunguri-wadeenka (Esophagus),
Pancreas-ka, Caloosha, Beerka, Xameytida, Xiidmaha, Kaadi-heysta, Qabsinada,
Ilma galeenka. Wuxuu kaloo sheegay inuu keeno dhalma la’aanta ragga iyo
haweenka intaba.
Dakhtarka wuxuu kaloo sheegay in bukaanka cudurka Qaaxad
qaba (TB) uu sigaarku sii xumeeyo hoosna u dhigo shaqadii sambabka una keena
dhimasho ka timaada hawlgabka habdhiska neef-mareenka (Respiratory Failure).
“Sigaarku Wuxuu caawiyaa cudurka gastritis wuxuuna
badiyaa laabjeexa joogtada (GERD), wuxuu kaloo daahiyaa bogsashadda boog
calooleedka (Peptic Ulcer), Sidoo kale haweenka caba sigaarka ee da’doodu ka
weyn tahay 40 sanno wuxuu u keeni karaa in si sahlan ay ku jabaan marka loo
fiiriyo kuwa aan sigaarka cabin.
Sidoo kale sigaarka wuxuu yareeyaa dhumaca xididdada
dhiigga u qaada jirka intiisa kale taasoo keeni karta in si waafi ah uu u gaari
waayo dhiiggii ay u baahnaayeen” ayuu yiri Prof. Dufle oo sii hadlayey.
Waxaa intaa ku daray dhaqtarku in 85% uu ragga ku keeno
Caniinimo ama ragannimada oo uu waayo. Haweenka uurka leh wuxuu ku keenaa ayuu
yiri inay ilmihii dhiciso ama ay dhasho ilmo miisaan hoose ama neefqabad qaba
(asphyxia) ama u horseeda dhimasho kedis ah (sudden death), isagoo tilmaamay
Dhalinyarada da’dooda ka yartahay 20-ka sanno ay 3 jeer ka badan yihiin kuwa
da’doodu ka weyn tahay 20 sano dhinaca dhimashada deg deg ah.
“Xagga maskaxda wuxuu horseedaa hurdadoo yaraata,
degganaansho la’aan iyo qeybta fikirka iyo xusuusta oo hoos u dhaca taasoo ka
timid xididdada masakaxda oo adkaada (Arthrosclerosis). Wuxuu kaloo isbeddel ku
sameeyaa dabciga iyo la dhaqanka bulshada isagoo had iyo jeer acsaabtiisu
kacsan tahay” ayuu yiri dhaqtarka.
Prof. Dufle oo hadalkiisa sii watay ayaa sheegay in
cabista sigaarka ay waxyeelo u geysato aragga Indhaha, Maqalka, dhagaha iyo
Maqaarka sidoo kale wuxuu waxyeelo u geystaa ayuu yiri dibnaha, ciridka iyo
ilkaha.
Waxaa Prof. Dufle xusay in WHO ay ugu baaqday dowladaha
caalamka iney qaadaan talaabooyin lagu xamakeynayo tubaakada sida:-
1-In bulshada laga wacyi geliyo dhibaatada caafimaad iyo
mida dhaqaale ee sigaarku leeyahay, iyadoo la adeegsanayo bahda caafimaadka,
warbaahinta iyo ururada bulshada.
2-In cabista sigaarka laga mamnuuco goobaha la iskugu
yimaado, sida Tiyaatarada, Suuqyada, Basaska, iskuulada, isbitaalada, guryaha
shirarka iwm,.
3-In aan sigaarka laga iibin caruurta aan qaangaarin.
4-In la mamnuco xayeysiinta qeybaha kala duwan ee
warbaahintu u sameyso tubaakada iyo sigaarka.
5-Iney sigaarsi ku kordhiyaan canshuuraha.
6-In baakadaha sigaarka lagu qoro khatarta uu u leeyahay
caafimaadka aadanaha.
Bulshada Soomaaliyeed ayuu sheegay ku dhowaad 30-kii sano
ee u dambeysay ee burburka, dagaalada iyo barakaca ay si xoog leh u kordheen
tirada sigaarka cabta gaar ahaan dhalinyarada da’da yar. Waxaa kaloo kordhay
ayuu yiri dadka Shiishadda isticmaala dhalinyaro iyo dad waaweyn, haween iyo
rag, kuwaasoo uu xusay iney ku keeni karayso mustaqbalka dhibaato weyn oo
dhanka caafimaadka.
Ugu dambeyn Prof. Cismaan Dufle Wuxuu dhammaan bulshada
Soomaaliyeed ugu baaqay meel kastoo ay joogaan iney ka fogaadaan cabista
sigaarka iyo isticmaalka tubaakada nooc kasta bacdamaa diinteenna Islaamka
aysan oggoleyn in nafta la tahluukeeyo, khatartii caafimaadka ee aan kor ku soo
xusnayna uu keeno.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]