4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Qarax Xoogan oo Caawa ka Dhacay Magaalada Boosaaso


Jimco, May, 03, 2019 (HOL) - Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax si weyn looga maqlay magaalada oo dhan.

Goobjooge ay Hiiraan Online kala xiriirtay magaalada Boosaaso ayaa noo sheegay in qaraxaas uu ahaa nooca miinada, isla markaas lala eegtay guriga taliyaha ciidanka Buuraleyda Gal-Gala, G/Sare Qadaafi. Qaraxaan ayaa dhacay waqti dambe oo ay dadku hurdaan.

Ma cadda  ilaa iyo hadda qasaaraha uu geystay qaraxaas, waxaase la sheegayaa in ay jiraan dhaawacyo loo qaaday Isbiaalada magaalada Boosaaso.

Wixii ku soo kordho qaraxaas kala soco Hiiraan Online