4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Deni: Shirka Garoowe waxaa looga hadlaya waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo marti-geliyay shir ay ku wada-hadalayaan dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa faahfaahin ka bixiyay.

Siciid Deni, wuxuu sheegay shirka inuu billaaban doono Sabtida berri,iyadoo inta badan madaxda dowlad-gobolleedyada iyo wafdi uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya ay caawa ku suganyihiin magaalada Garoowe.

"Shirkaas oo ah wadatashi oo aan rajaynayno in looga wada-hadlo waxyaabo dadka iyo dalka Soomaaliyeed dan u ah, wuxuu billaabanaya Sabtida berri ah." ayuu yiri madaxweynaha Puntland.

Wuxuu ku soo aaddaya shirka xilli dowlad-gobolleedyada qaar ay qaadaceen ansixinta xeerka doorashooyinka oo ay shalay ansixiyeen golaha wasiirrada, arrinta doorashadana waxay qeyb ka tahay arrimaha looga hadlayo shirka Garoowe.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]