4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Maxaa xasaasiyad looga qaaday hindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya?

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-   Golaha wasiirrada xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shalay ansixiyay hindise sharciyeedka doorashooyinka Soomaaliya oo muddo dheer laga warsugayay, balse waxaa durba hareeyay buuq badan iyo cabashooyin laga qabo sharcigan ka hor inta uusan baarlamaanka gaarin si akhrin iyo cod loo galiyo.

Dowlad-gobolleedyada iyo qaar ka mid ah xisbiyada siyaasadda ee dalka ayaa si dhaqso ah falcelin diidmo ah ugala horyimid sharciga waxayna ku tilmaameen arrin kasoo horjeedda dastuurka.

Arrimaha aadka xasaasiga u ah ee ku gadaaman hindise sharciyeedka doorashooyinka ayaa waxaa ka mid ah in madaxda dowladda federaalka ay ku fikirayaan muddo kororsi ,taas oo jirta qodobka 56-aad ee hindise sharciyeedka cusub ayaa lagu arkay isla arrintan.

Wuxuu si qayaxan u caddeynayaa qodobka in haddii ay dhici weyso doorashada xildhibaanada baarlamaanka duruufo soo kordhey awgood, in waqti kororsi loo samaynayo baarlamaanka . Farqada 7-aad ee isla qodobkan ayaa si cad u sheegaya in haddii baarlamaanka muddada loo kordhiyo, in madaxweynahana ay sidaas isla mudadaasi ugu kordheyso xilheynta madaxweynaha jamhuuriyadda.

Qodob kale oo aad loogu kala aragti duwanyahay oo ku jira xeerka cusub ayaa ka hadlaya nidaamka doorashada ay u dhacayso.Xeerka cusub ayaa dhigaya in doorashada lagu galo qaab xisbiyo, iyada oo musharaxa madaxweyne ee xisbiga hela aqlabiyadda baarlamaanka uu si toos ah u noqonayo madaxweynaha, isla xisbigaasna uu noqonayo kan soo dhisayo xukuumadda.

Dastuurka ku- meelgaarka ah ee Soomaaliya ayaa qaba in madaxweynaha ay soo doortaan xildhibaannada baarlamaanka.

Dowlad-gobolleedyada Puntland, Galmudug iyo Jubbaland ayaa warsaxaafadeed si gaar gaar ah  usoo saareen waxaa ay madaxda dowladda ugu baaqeen in ay dib uga fiirsato sharciyada golaha wasiirrada ay ansixiyeen ee doorashooyinka iyo waliba kan batroolka,iyagoo si isku mid ah u muujiyay inan lagala tashan.

Xisbiyada siyaasadda, illaa iyo hadda waxaa war saxaafadeed soo saaray Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyaha ka yahay Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana lagu sheegay ujeeddada dhan ee sharciga doorashooyinka inay tahay muddo kororsi xilleed.

Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan iyo xukuumadda federaalka  ayaanan weli labaduba ka hadlin hindise sharciyeedka cusub.

Muranka sharcigan ka dhashay wuxuu ku soo aadday,iyadoo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ay gaareen madaxda dowlad-gobolleedyada iyo wafdi dowladda federaalka ka socda oo uu hoggaaminayo ra'iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Khayre,halkaa oo uu ugu furmayo shir wada-tashi ah.

Haddaba halkan hoose ka akhriso qodobka xasaasiga ah ee muddo kordhinta Madaxweynaha iyo Baarlamaanka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]