Jimco, May, 03, 2019 (HOL)- Dufcadii 12aad ayaa ka qelin jebisay Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, iyadoo xaflad arrintaas la xiriirta lagu qabtay magaalada Muqdisho.
Xafladan
oo aheyd mid ardayda qelin jebisay ay ku difaacanayeen buugga qelin
jebinta ayaa waxay soo bandhigeen cilmi baarisyo dhowr bilood socday oo
ay ka sameeyeen xaaladaha dhinaca
caafimaadka ee ka jira qaar ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Waxaa
munaasabadan ka qeyb galay Masuuliyiin iyo macalimiin ka tirsan
Jaamacadda Banaadir, ardayda difaacaneysay buugga qelin jebinta,
aqoonyahano, waalidiin iyo marti sharaf kale.
Ardaydan
oo tiradoodu gaareyso 42 dhaqtar oo ka kooban 26 gabdhood iyo 16 wiil
ayaa waxay qeyb ka ahaayeen dufcadii 11aad ee sanadkii hore ka aflaxay
Kuliyaddan balse dib u dhacay
sababo kala duwan awgood sida uu sheegay Eng. Ismaaciil C/raxmaan Cumar
oo ah diiwaan hayaha guud ee Jaamacada Benadir.
Hormuudka
Kuliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Tahlil Cabdi
Afrax oo munaasabadaas ka hadlay ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in
ardaydan qelin jebisay ay wixii maanta
ka dambeeya yihiin dhaqaatiir wax qali kara, daweyna kara, isagoo xusay
in ardaydan ay muujiyeen dedaal badan oo waqti dheer qaatay, ayna la mid
yihiin hadda ka dib dhaqaatiirta ka baxday Jaamacadaha caalamka.
“Anigoo ku
hadlaya magaca maamulka, Macalimiinta hormuudyada iyo mu’asasada
Jaamacada Benaadir waxaan ku faraxsanahay inaan si rasmi ah ugu dhawaaqo
in 42-ka arday ee ka qelin jebiyey maanta Kuliyadda
Caafimaadka ay wixii hadda ka bilowda yihiin dhaqaatiir” ayuu yiri Dr.
Tahliil Cabdi Afrax oo ku dheeraaday dedaalkii ay muujiyeen ardayda
qelin jebisay mudadii ay Kuliyada Caafimaadka wax ka baranayeen.
Guddoomiyaha
Jaamacadda Benaadir Prof/Dr. Maxamed Max'uud Xasan (Biday) oo isna
munaasabadan ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey ardayda ka qelin jebisay
kuliyadda Caafimaadka guusha ay
gaareen.
“Maanta
waa maalin farxadeed maadaama ay Jaamacada Banaadir ka qelin jebiyeen
dufcadii 12aad ee ka soo baxday Kuliyadda Dhaqtarnimada ka dib lix sano
oo dedaal dheer iyo Juhdi badan
la soo waday, 12-ka dufcadood marka la isku geeyana waxaa Jaamacaddu soo
saartay 970 dhaqtar, wixii maanta ka dambeeya waxaad tihiin dhaqaatiir,
masuuliyad buuxda ayaana idinka saaran Caafimaadka guud bulshada
Soomaaliyeed” ayuu yiri Dr. Biday oo ardayda qelin
jebisay kula dardaarmay iney aqoontooda dhaqtarnimo sii kordhiyaan
aysana maskaxdoda gelinin in waxbarashadu ay halkaas ku dhamaatay,
isagoo dhinaca kale mahad celin ballaaran u jeediyey waalidiinta,
Maamulka Macalimiinta iyo intii kale ee gacanta ka geysatay
heerka ay soo gaareen ardayda aflaxday.
Gudoomiyaha
Mu'asasada Jaamacadda Banaadir Dr. C/llaahi Shiikh Xuseen (Bushkuleeti)
oo gebagaebadii munaasabadan ka hadlay ayaa hadalo dardaaran u badnaa u
jeediyey ardayda, wuxuuna
ku dhiirageliyey iney waxbarashadooda sii wataan.
“Waxaan halkan hambalyo
uga dirayaa ardayda qelin jebisay, wax yar ka hor arday baad aheydeen,
laakiin
hadda waxaad tihiin dhaqaatiir xili culus ayaana dusha idinka fuulay,
waxaan idinkula dardaarmayaa inaad ilaalisaan anshaxa dhaqaatiirta, una
naxariisataan bukaanada qaliinada iyo daweynta u sameyneysaan” ayuu
intaa ku daray Dr. Bushkuleeti oo ardayda dufcada
12aad ee ka aflaxday Jaamacadda Benaadir u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.
Munasabadan
oo lagu dhaariyey ardayda qelib jebisay ayaa waxaa sidoo kale hadalo
kooban oo isugu jiray hambalyo iyo dardaaran ka jeediyey Dr.Maxamed
Maxamuud Fuje oo ka tirsan Mu'asasada
tacliinta sare ee Banaadir, Dr. Axmed Yuusuf Guuleed oo isna Madaxa
Maaliyada ee Muasasada Dr. Cawaale C/llaahi Maxamed oo ka tirsan
dufcadii ugu horeysay ee ka baxday Jaamacada Benaadir, aqoonyahano kala
duwan iyo xubno ku hadlayey magaca waalidiinta iyo
ardayda ka qelin jebisay kuliyadda caafimaadka Waxaana munaasabadan ay
ku soo gebagebowday jawi aad u farxad badan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]