4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Xaflad loo qabtay arday ku guulaysatay tartanka Qur'aanka Kariimka oo ka dhacday Jigjiga

 

Jimco,May, 03, 2019 (HOL)-Waxaa xaflad loo qabtay 40 gabdhood oo ku guulaystay Tartanka Quraanka Kariimka ee Madrasadda Al tawxiid oo ku taal magaalada Jigjiga.

Xafladdan ayaa waxaa soo diyaariyay maamulka madrasadda, sidoo kale waxaa kasoo qayb galay waalidiinta ardayda xafladdan loo sameeyay.

Gabdhahan tartanka ku guulaystay ayaa in muddo ah dhiganayay madrasaddan Al Tawxiid.
 
 

Degaanka  Soomaalida ayaa tan iyo intii ay xukuumaddii hore daaqadda ka baxday  waxaa la dardar galiyay dadaalka diineed, iyadoo la xoojiyay madaarista  lagu barto laguna xifdiyo Qur'aanka Kariimka, kuwaas oo soo saara jiil  wanaagsan oo xifdisan Qur'aanka Kariimka.
 
 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]