4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Madaxweynaha Koonfurgalbeed oo gaaray Garoowe

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed, Cabdicasiis Xassan Maxamed (Laftagareen) ayaa goor dhow gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Waxaa garoonka diyaaradaha Garoowe ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa.

Laftagareen, ayaa Garoowe u tagay si uu uga qeybgalo shirka dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ee la filayo inuu halkaa ka furmo.

Wafdi ka socda dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa sidoo kale la filaya inay saacadaha soo socda gaaran magaalada Garoowe.

Dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada ayaa wada-tashi ka yeelanaya khilaafka u dhaxeeya iyo hannaanka doorashada ay u dhacayso, taas oo aan wali kala caddeyn, iyadoo shirkan uu labo maalin dib u dhacay, waxaana la filaya Sabtida berri ah inuu furmo.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan.com
[email protected]