4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Puntland: Kiiskii Caasho waxaa lagu qaadayaa meel fagaare ah

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-  Puntland ayaa shaaca ka qaaday in maalinta Sabtida ah la soo gabagabeynayo kiiska gabar 12 jir ah oo lagu kufsaday magaalada Gaalkacyo kaddibna la dilay.

Ilaa 10 ruux ayaa la sheegay inay ku eedeysanyihiin dhacdadaa,iyadoo dadkaas markii u horreysay bulshada la horkeeni doono maalinta berri ah.

"Kiiskii Caasho waxaa lagu qaadayaa meel fagaare ah oo dadka oo dhan goobjoog ka noqon doonaan ". ayuu yiri  hoggaanka danbi baarista Puntland Kornel. Cismaan Maneeno oo inta ku daray " Waxaan rabaa inad indhihiina ku aragtaan waxa dhacaya, dadka samirkaa ku yar baaristu waqti ayay qaadata".

Kornel. Cismaan Maneeno, ayaa sheegay maxkamad inay u gudbiyeen dacwada oo ay ka go'aan gaari doonto , isagoo inta ku daray " Maxkamadda iyada tagaan cidda ay sii deynayso iyo cidda dambiga lagu qaadayo.

Kiiskan wuxuu ahaa mid caro badan ka dhaliyay Puntland oo si weyn looga xumaadday, waxaana muddooyinkii u dambeeyay la hadal hayay sida ay Puntland uga go'aan gaari doonto.

Magaalada xarunta ah ee Garoowe oo ay ku xiranyihiin ragga ku eedeysan dilka iyo kufsiga ayaa la sheegay in dacwadoodda lagu qaadi doono.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]