4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Muxuu yahay walwalka cusub ee Jubbaland ay ka qabto dowladda federaalka?

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam oo shalay dib ugu laabtay magaalada Kismaayo ayaa sheegay inuu walaac ka qabo falal lidi ku ah dhinaca ammaanka Kismaayo oo laga soo abaabulayo magaalada Muqdisho.

Waxaa kalo uu sheegay hoggaamiyaha Jubbaland inuu ka digayo dad abaabulayay qul qulatooyinka dhinaca Amniga ee xarunta gobolka Jubbada hoose, isagoo sheegay in cida falalkaas soo abaabusha ay qaadeyso mas’uuliyadeeda.

" Hadalka madaxweynaha Jubbaland, waxa kaliya ee laga akhrisan karo ayaa ah inuusan jirin wax heshiis ah oo ay gaareen isaga iyo dowladda federaalka, waana midda wal walka cusub uu ka muujinayo". ayuu yiri Maxamuud Bulbul oo siyaasadda ka faallooda.

Bulbul , ayaa sidoo kale sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu dareensanyahay tallaabooyinka ay dowladda federaalka qaaday xilliga ay dowlad-gobolleedyada ka dhacayeen doorashooyinka, waqtigaanna la joogo xilligii Jubbaland.

Axmed Madoobe, ayaa doonaya inuu u tartamo xilka uu hayo arrintaa oo la sheegay dowladda dhexe inaysan dooneyn, waxaana jira siyaasiyiin la dhinac ah dowladda federaalka oo dadaal ku bixinaya sidii ay doorashada ugu guuleysan lahaayeen, sida uu sheegay Maxamuud Bulbul.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa iskudayay inay isku soo dhawaadaan dowladda federaalka,isagoo booqashadii u dambeysay ee uu ku yimid Muqdisho la kulmay madaxda sare ee dowladda federaalka, balse sida laga soo xigtay ilo ku dhow Axmed Madoobe ma jirin wax la isku afgartay.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]