4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe oo Ganacsatada uga digay aadista al-Shabaab

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)- Maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa uga digay ganacsatada iyo shacabka inay aadan al-Shabaab,iyadoo arrimaha loo tago deegaannada ay maamullan al-Shabaab ay ka mid yihiin garsoorka.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan ayaa u sheegay warbaahinta inan dulqaad loo muujin doonin cid dambe uu u tagta al-Shabaab.

"Annaga al-Shabaab dadka la jooga uma yeerno.. ganacsatada iyo dadka kalaba waxaan uga digeynaa al-Shabaab inay aaddan , haddii ay hadalkeenna dhayalsaddaan oo ay u dhuuntaan al-Shabaab, yeysan dib noogu soo noqon". ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe, Axmed Mayre Makaraan.

Go'aanka ka soo baxay maamulka gobolka Shabeellaha dhexe ayaa ku soo aadday,iyadoo dhawaan la sheegay ganacsatada iyo ururrada samafalka in looga yeeray deegaannada al-Shabaab.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]