4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Sheekh Zakir Naik oo lagu soo oogay adeegsiga lacago sharci darro ah

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-  Wadaadka dibad jooga ka ah dalka Hindiya ee Zakir Naik ayaa looga soo oogay dalkaas dacwado la xiriira lacago sharci darro ah.

Dacwada waxaa ku soo oogey wadaadka dadka wacdiya ee Zakir Naik, dacwad oogayaal u dhashay dalka Hinya , waxaana ay sheegeen in uu helay hanti sharci darro ah oo gaaraysa 28 milyan oo doollarka Maraykanka ah, balse eedayntaas wuu diidday.

Waxaa kalo uu eedeyn kala kulmay mas'uuliyiinta Hindiya oo ku eedeyay in uu nacayb faafiyo isla markaasna kicinayo argagixisada.

Zakir oo 53 jir ah ayaa faafiya aragtidiisa Islaamnimada isaga oo ka sii daaya telefishinka Peace TV. Hindiya ayaa laga mamnuucay balse waxaa dunidda kale ka daawada dad lagu qiyaasay 200 oo milyan oo ruux.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]