4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Galmudug oo qaadacday sharciga doorashooyinka ee ay ansixiyeen golaha wasiirrada Federaalka

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-   Maamulka Galmudug ayaa ka soo horjeesatay sharcigii doorashooyinka iyo Axsaabta oo ay shalay meel mariyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

"Madaxda sare ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxay si bareer ah ugu tunteen Dastuurka kumeel-gaarka ah ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay isku gaaryeeleen go'aan ka gaarista arrimaha masiiriga ah ee dalka sida dhamaystirka dastuurka qabyada ah, qaabaynta howlgalaha doorashooyinka, qaybsiga awoodaha iyo khayraadka dalka iyo xasillita amniga dalka,iyadoo 02/05/2019ka golaha wasiirrada dowladda federaalka meel mariyeen xeerka doorashooyinka, xeerkaas oo aan la marsiin hannaankii ay ahayd in la marsiiyo gebi ahaanna hareer marsan Dastuurka kumeelgaarka ah". ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Galmudug.

Galmudug ayaa ugu baaqday Madaxda dowladda inay iska ilaabaan xeerka doorashooyinka oo ay sheegeen in ujeedkiisa yahay muddo kordhin.

Sharciga doorashooyinka ee ay meelmariyeen golaha wasiirrada federaalka ayaa sidoo kale waxaa ka soo horjeestay Puntland oo ku tilmaamtay sharciga inuu baalmarsanyahay dastuurka.

Hoos ka akhri warsaxaafadeedka Galmudug;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]