4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 3 , 2019
Ciidammada amniga oo howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan Muqdisho

Jimco, May, 03, 2019 (HOL)-   Ciidanka amniga ayaa xalay  howlgallo ka sameeyay xaafaddo ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgalkan ayaa daba-socda howlgallo ay ciidammado ka waddaan degmooyin ka tirsan caasimadda Muqdisho,iyadoo warar ka soo baxay hay'adaha amniga lagu sheegay muddada uu howlgalka ka socday in la soo xiray tiro dad ah.

"Ciidanku guri guri ayay u baarayeen , waxaana la xiray dhallinyaro badan". ayuu yiri qof goobjooge ah oo warbaahinta la hadlay.

Toddobaadyadii u dambeeyay ayaa ciidanka amniga si joogto ah waxaa ay howlgallo ka wadeen xaafaddo ka tirsan caasimadda Muqdisho, howlgallada oo la sheegay in amniga lagu xaqiijinayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]