
Isniin, May 27, 2019 (HOL)- Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay qarax gaari oo xilliga afurka ka dhacay xeebta Liido ee caasimadda Muqdisho.
newsinsideTaliye ku-xigeenka booliska, S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in gaari nooca Toyota filler uu ku qarxay agagaarka aargada Liido.
"Nasiib wanaag dhimasho iyo dhaawac ma jiro". S/Guuto Zakiya ayaa sida ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Facebook.
Ammaanka caasimadda ayaa muddooyinkii dambe u muuqda inuu soo hagaagay,iyadoo hay'adaha ammaanka ay kordhiyeen howlgallada xasillinta , isgoysyadana la dhigay ciidammo dheeraad ah oo boolis ah.
[email protected]