Madaxweyne Farmaajo oo kormeeray Goobaha Danta Guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Isxilqaan
Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)- Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo
kormeeray xarumaha danta guud ee lagu dhisayo Barnaamijka Is-xilqaan ayaa ku
ammaanay muwaadiniinteenna sida ay u soo ajiibeen baaqiisa ku saabsanaa in laga
wada qeyb qaato Ololaha Isxilqaan ee dalka dib loogu dhisayo.
Madaxweynaha ayaa dul istaagay
shaqooyinka dib-u-dhiska iyo dayac-tirka ah ee lagu wado Tiyaaratka, Madaxafka
iyo Maktabadda Qaranka, isagoona goobahaas kula kulmay muwaadiniinta sida
mutadawacnimada ah uga qeyb qaadanaya Ololaha Isxilqaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta
xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.
“Hawshan wanaagsan ee aad
haysaan waa mid waxtar weyn u leh mustaqbalka carruurteenna. Dalkeenna innagaa
gacmaheenna ku burburinnay, marka innagoo aan cid kale sugin waa in aan dib u
dhisannaa oo qof kasta oo Soomaali ah uu awooddiisa geliyaa dib-u-dhiska iyo
horumarka dalka.”
Dhankooda, hawl-wadeennada
Barnaamijka Isxilqaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey guulaha la taaban karo
ee laga dhexlay wajiga koowaad ee barnaamijkan iyo qorsheyaasha lagu
dhammeystirayo dib u dhiska goobaha danta guud.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa kula dardaarmay hormuudka Barnaamijka Isxilqaan in ay dardar
geliyaan dhammeystirka dib u dhiska goobaha danta guud oo haatan ay gabogabo
marayaan hawlaha dib u dhiska Tiyaatarka Qaranka, Madxafka iyo Maktabadda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]