4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 2 , 2019
Marekanka oo sheegay inay Soomaaliya ku dileen nin horey uga dilay askari

Khamiis, May, 02, 2019 (HOL)-  Marekanka ayaa xaqiijiyay inay duqeyn ku dileen sarkaal ka tirsan al-Shabaab oo horey u diley askari ka tirsanaa ciidammada Maraykanka oo lagu diley deegaanka Bar Sanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Duqeynta oo ciidanka Marekanka ay geysteen 19kii bishii April ayaa la sheegay inay ku geeryoodeen labo ka mid ah dagaallamayaasha al-Shabaab,waxana uu mid kamid ah ahaa Cabdulaahi Jibiyow oo hoggaamiye ka ahaa koox hoobiyaal ku weerartay xarun ay ciidammada Maraykanka ku lahaayeen Bar Sanguuni halkaas oo uu ku dhintey Saddex Alifle Alexander Conrad afar kalana ay ku dhaawacmeen.

Afhayeenka AFRICOM ,Col Chris karns  ayaa sheegay in Conrad uu kamid ahaa ciidammada gaarka ah ee North Caroline balse markii la dilayay uu qeyb ka ahaa howlgal la magac baxay Operation Octave Shield, kaasoo lagula dagaallamo dagaalyahannada al-Shabaab,sida laga soo xigtay wargeyska arrimaha ciidammada ka faalooda ee Milatary Times.

Marekanka ayaa Soomaaliya ka fuliya weerarro duqeyn u badan oo gacan lagu siinayo dowladda Soomaaliya.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]