4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Warmurtiyeed laga soo saaray shir ay Garoowe ku yeesheen Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Shir saddex-geesood ah ayaa maanta uga furmay magaalada Garoowe maamul-gobolleedyada Puntland, Hirshabeelle iyo Koonfurgalbeed,iyadoo inta badan shirka diirrada lagu saarayo iskaashi ay yeeshaan maamullada.

"Runtii waxaa sharaf weyn noo ah inaan halkan ku qabsano shirkan sadex geesoodka ah oo qayb ka ah geeddi socodka dib u dhiska Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya u noqon lahayd dowlad Federaal ah oo awood leh, waxaan ku faraxsanahay inay madashan joogaan saaxiibaday Madaxweyne Cabdicasiis iyo Madaxweyne Waare oo runtii ka mid ahaa wafuuddii badnayd ee halkan kulahaa shirka wada-tashiga ah." ayuu yiri madaxweynaha Puntland, Siciid Deni oo shirka ka hadlay.

War-martiyeed laga soo saaray shirka markii uu soo gabagaboobay caawa ayaa lagu sheegay maamullada inay ka go'antahay xoojinta midnimada Soomaaliya iyo taabbagelinta dowladda federaalka ah oo ku dhisan, dastuur, caddaalad iyo sarraynta sharciga,iyadoo maamullada ay ka shaqeyn doonaan dhammaystirka iyo hirgelinta nidaamka federaalaynta dalka,marka iyagoo iskaashi kala sameynaya dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Shirkan ayaa sidoo kale laga soo saaray in maamullada ay yeelanayaan iskaashi ballaaran, iyadoo la sameynayo guddiyo farsamo oo ka shaqeynaya hirgelinta heshiisyada iskaashi ee dhinacyada federaaleynta, amniga, ganacsiga , horumarinta hay'adaha dowliga ah, iskaashiga arrimaha bani'aadanimada iyo xalka waara ee barakacayaasha.

Amniga iyo la-dagaallanta aragagixisada ayay sidoo kale sheegeen maamullada inay iska-kaashannayaan,waxaana uu kulankan ku soo aadday xilli uu natiijo la'aan ku soo dhammaaday shir weyne wada-tashi ah oo u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada oo muddo toddobaad ku dhow ka socday Garoowe. Iskaashiga cusub ee saddexda maamul ayaa sidoo kale imaanaya xilli madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland ay isaga baxeen shirkii u dhaxeeyay dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka shirka;

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]