4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Al-shabaab oo sheegatay mas’uuliyada Injineer Turkish ah oo Muqdisho lagu dilay

 

Axad, May, 12, 2019 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka Injineer u dhashay dalka Turkiga oo gaari uu la socday lagu qarxiyay maanta Isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho.

Injineerka ayaa gaarigiisu wax uu ka yimid dhinaca wadada Afisyooni waxaana markii uu marayay agagaarka hotel Naasa Hablood ee isgoyska nambar afar mar qura la maqlay qaraxa gaariga halkaasoo uu dhaawac culus ka soo gaaray waxaaa loola cararay isbitaalka Recep Tayeb Erdogan ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu wax-yar kaddib ku geeriyoday.

Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka danbeeyeen dilka Injineerkan oo ka tirsanaa shaqaalaha xerada tababarka militariga ee Turkigu ku leeyay deegaanka Jasiira ee magalada Muqdisho.

Sidoo kale Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyada dilka taliyihii ciidamada xasilinta magaalada Gaalkacyo Khaliif Nuur Shiil oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas lagu bartilmaameedsaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]