4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Carruur Agoon ah oo la gaarsiiyay lacag dhan $ 100,000 oo dollar


Axad, May, 12, 2019 (HOL)- Carruurtan oo tiradooda ay gaareyso 1,000 Agoon ah ayaa la gaarsiiyay lacag dhan $ 100,000 oo dollar, waa tiradii ugu badneyd oo carruur Agoon ah oo deeqdan la gaarsiiyo, iyadoo cunug walba oo Ilmahaa ka mid ah uu hellay lacag dhan $ 100 dollar.

Munaasabad ka dhacday xaafadda Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho ayeey hay’adda Hormuud Foundation oo deeqdan qeybisa ku soo bandhigtay carruurta loo qeybiyay lacagta.

Cabdullaahi Nuur Cismaan guddoomiyaha Hormuud Telecom Foundation oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in Lacagta loo qaybiyey carruurtan Agoonta ah ayaa sheegay in loogu talagalay in ay ku kaalmeystaan Qoysaska ay Carruurtan ka soo jeedaan Afurka iyo Ciidda.

Wuxuu sheegay in tallabadan tahay tahay waajib bulsho oo saran cid kasta oo wax ka tari karta nolasha dadka aan waxba heysan gaar ahaan Agoonta, isaga oo intaa ku darray in carruur badan oo Agoon Soomaaliyeed ah ay u baahan yihiin caawin iyo garab istaag mar haddii ay waayeen aabeyaashood ayna ka bannaanaatay kaalin weyn.

Qoysaska agoonta maanta guddoontay lacagta oo laga soo kala xulay 21 jimciyadood oo kahadlay munaasabadda ayaa sheegay in kaalmaada ay Hormuud Telecom Foundation siisay ay ka caawin doonto Afurka iyo farxadda ciidda taas oo ay sheegeen in ay yihiin arrimaha ugu muhiimsan ee ay hadda ka welwelsan yihiin qoysaska haysta carruurta agoonta ah oo ay yartahay cid caawisa.

Tan iyo markii ay bilatay bisha Ramadaan hay’adda Hormuud Foundation ayaa wadday mashaariic lagu gargaarayo dadka kaalmada u baahan, iyaga oo dhawaan deeq gaarsiiyay Xabsiga Dhexe iyo Naafada ciidanka xoogga ee deggan Isbitaal Martiin.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]