4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Weerar dad ku dhinteen oo lagu bartilmaameedsaday kaniisad

Axad, May, 12, 2019 (HOL)-  6 ruux oo uu ku jiro baadari ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday kaniisad Catholic ah oo ku taalla waqooyiga dalka Burkina Faso. 

Weerarkan ayaa qeyb ka ah mowjado weerarro ah oo ay kooxo mintidiin islaamiyihiin ah ka fulinayeen dalkaas.

Dad goob joogeyaal ah ayaa sheegay in dhowr dabley ah oo ku socday mootooyin ay tageen afaafka hore ee kaniisadda.

Waxaa xigay in markaas kadib ay gudaha u galeen ayna toogteen 6 ruux.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa sheegay in kooxda falkaas geysatay ay markii dambe dab qabadsiiyeen dukaamo badan oo ku yaalla deegaanka Dablo oo ka tirsan gobolka Sanmatenga ee dhaca waqooyoga dalka Burkina Faso.

Dabayaaqada bishii lasoo dhaafay ayaa weerar noocan ah lagu qaaday kaniisad kale oo ku taalla isla waqooyiga, kaasoo lagu dilay 6 qof.

Tan iyo sannadkii 2015-kii, kooxaha mintidiinta islaamiyiinta ah ayaa ku dhawaad 400 oo ruux ku dilay dalka Burkina Faso, iyadoo xaaladda amni darro ay kasii dareyso.

Xigasho BBC