Jaamac Dabaraani oo loo magacaabay afhayeenka madaxtooyada Puntland


Axad, May, 12, 2019 (HOL) – Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa afhayeenka madaxtooyada Puntland u magacaabay Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) , sida ku cad wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha.

newsinsideWareegtada ayaa lagu sheegay inuu madaxweynaha tixgeliyey khibraddiisa shaqo Jaamac Dabaraani oo  ka mid ah suxufiyiinta muddada dheer ka howlgallayay warbaahinta kala duwan ee dalka.

Jaamac, ayaa sidoo kale aasaasay shabakad baraha bulshada ku baahisa warar iyo barnaamij kale oo lagu magacaabo Dabaraani Media Inc.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]