4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo ka dhoofay Garoowe

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe, kaddib markii uu guul-darraystay shirkii wada-tashiga dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Madaxweyne Farmaajo oo muddo toddobaad ah ku sugnaa Garoowe waxaa sagootiyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni , madaxweyne ku-xigeenka Axmed Karaash iyo mas'uuliyiin ka tirsan Puntland.

Horey, waxaa Garoowe uga dhoofay ra'iisul wasaaraha xukuumadda federaalka, Xasan Cali Khayre iyo madaxweynayaasha dowlad-gobolleedyada Galmudug iyo Jubbaland, iyadoo aysan jirin wax natiijo ah oo laga gaaray wad-hadallo ku dhawaad toddobaad qaatay ee ka socday Garoowe.

Wada-hadallada oo diirrada lagu saarayay arrimaha siyaasadda ee dalka iyo khilaafka dhinacyada shirka ka qeybgalay ayaa dhaliyay inay hoggaamiyeyaasha ku kala kacaan,arrintaa oo markiiba lagu tilmaamay inay murjinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka, xilli doorashooyin uu dalku galayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]