4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Guddida joogtada ee golaha Wakiilada Somaliland oo sharci daro ku tilmaamay xadhiga xildhibaan Dhakool

 

Axad, May 12,   2019  (HOL)- Guddida joogtadda ah ee golaha Wakiilada Somaliland ayaa diiday dalab  uga yimid xeer ilaalinta qaranka inay xasaanadda ka qaadaan xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ciidamadda boolisku xabsiga u taxaabeen.

Sidoo kale, waxay sharci daro ku tilmaameen xadhiga xildhibaanka, isla markaana waxay xaaraantimeeyey in xildhibaan aan faldambiyeed faraha kula jirin oo xasaanadii qaranka huwan in la xidho, waxa kale oo ay hambalyeeyeen maxkamaddaha dalka oo sheegay in aanay qaadi Karin dacwada xildhibaan aan xasaanadii laga qaadin iyo in aanay xadhigiisa xalaalayn Karin.

Xildhibaan Garyaqaan Maxamed Jaamac oo ka tirsan guddida joogtadda ee golaha Wakiiladda oo afka guddidaasi ku hadlayey ayaa yidhi “ xeer ilaalintu waxay noo soo qortay waraaq ay nagu ogaysiinayso xadhiga xildhibaanka, marka la qabanayo xildhibaan waxay leedahay dariiqa loo maro oo dastuurku tilmaamay, waxaana sheegaya qodobad kala ah 49 iyo 79, labadan qodob waxay tilmaamayaan xubinta baarlamanka ah ee dambi gasha wixii laga yeelayo, waana laba siyood oo kala ah hadii uu dambi kula jiro faraha waa la qabanayaa, xafiiska xeer ilaalintu waraaqda ay noo soo qoreen laba ujeedo ayey xambaarsanayd, ujeedada kowaad waxay sheegen inay ninkaasi ku qabteen isagoo dambi faraha kula jira, iyo arrinta labaad oo ah waxaan idin sheegaynaa in dambi ninkaasi galay aanu baadhayno, taasi waxay noo cadaysay in aanay jirin wax dambi ah oo uu faraha kula jiray markii la qabanayey, waxaanu eegnay talaabooyinkii ay qaadeen ciidanka iyo xeer ilaalintu waxaana ogaanay in aanay ahayn dariiqa loo maray xidlhibaanka mid sharciga iyo dastuurka waafaqsan .”

Guddida joogtu waxay ku baaqeen in xildhibaanka xoriyadiisii loo soo celiyo iyo in sharciga loo hogaansamo hadii kale ay keeni karto cawaaqib xun hadii la ixtiraami waayo sharciga iyo dastuurka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.