4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Al Shabaab oo sheegatay weerar lagu dilay taliyihii ciidanka isku-dhafka gobolka Mudug

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Taliyihii ciidammada isku-dhaf ah ee gobolka Mudug Dhamme Khaliif Nuur Shiil , ayaa u geeryooday dhaawac ka soo gaaray xalay xabbado ay ku fureen rag hubaysan.

Taliyaha geeryooday ayaa dhaawac culus uu ka soo gaaray rasaasta,iyadoo dad goobjoogayaal ah ay sheegeen weerarka inay fuliyeen ugu yaraan saddex nin, xilliga  dableyda hubeysaneed ay rasaasta ku furayeen marxuun Dhamme Khaliif waxaa la sheegay  inuu ka soo baxay Masjid uu soo dukaday saaladda Taraawixda.

Saraakiil ka tirsan ciidanka amniga ee gobalka Mudug ayaa sheegay inay waddaan howgallo lagu baadi goobayo ciddii ka dambeeysay weerarkii lagu qaaday sarkaal ka tirsan ciidanka, balse ma aysan sheegin cid ay gacanta ku dhigeen.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada dilka taliyaha ciidanka isku dhafka ee gobolka Mudug,kuwaas oo la dhisay  kaddib dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay kuwaas oo loogu talagalay xasillinta xiisadaha mararka qaar ka dhaca gobalka waxayna inta ay dhisan yihiin ay ku guulaysteen xal u helidda isku dhacyo ka dhacay Gaalkacyo.

Dabayaaqadii bishii April ee sannadkii hore ayaa weerar is-miidaamin ah lagu dilay taliyihii hore ee ciidanka isku-dhaf gobolka Mudug, iyadoo weerarka xalay uu ka dhigayo taliyihii labaad ee ciidammada oo la dilo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]