4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Kenya oo ka hadashay sababta ay u joojisay duulimaadyadii tooska ahaa

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Dowladda Kenya waxaa ka soo baxay hadal aad loo sugayay, oo la xiriira sababta duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi loogu leexiyay garoonka Wajeer.

Waxaa laga soo xigtay agaasimaha waaxda badbaadada duulimaadka Kenya in arrimo amni darteed ay u qaadeen tallaabadan, iyadoo ay muuqato walaac ay Kenya ka qabto amniga garoonka Muqdisho,balse garoonkaa waa mid si weyn loo ilaaliyo amnigiisa oo ay baaraan dadka duulaya ciidammo Soomaali iyo AMISOM.

Inkasto aysan jirin wali war ka soo baxay wasaarada arimhaa gudaha Kenya , haddana dowladda Soomaaliya waxaa ay horey u sheegtay inaysan Kenya cududaar u noqon doonin xaalad amni oo ka jirta garoonka Muqdisho.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar, ayaa caddeeyay inay tuhunsan yihiin in go’aankan uu yahay mid ay ka dambeyso arrimo Siyaasadeed, isagoo marka meesha ka saaray in arrimo amni ay Kenya u soo rogtay xanibaadan cusub.

Kenya waxa ay sheegtay in xanibaadan cusub ay sii socon doonto ilaa laga gaaro 9-ka bisha Augosto, muddadaas saddexda bil waxey sheegtay in lagu qiimeyn doono waxa isbeddel ah ee dhaca, iyadoo kaddibna laga baaraan dagi doono in go’aanka sidiisa ahaado ama dib u eegis lagu sameeyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]