4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Shacabka Kenya oo is-waydiiyay sababta aan labo toddobaad fagaare loogu arag madaxweyne Uhuru Kenyatta

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa muddo labo toddobaad ah ka soo muuqaan warbaahinta iyo fagaarayaasha midna, markii ugu dambeysay waxa uu ka soo laabtay safar uu ku tegey dalka Shiinaha,waxaana baraha bulshada ay adeegsadaan shacabka Kenya harreeyay baafin ku saabsan halka uu ku dambeeyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Waxaa lagu daabacay baraha bulshada baafin lagu doonayo in lagu ogaado halka uu ku dambeeyay Uhuru Kenyatta, iyadoo la soo daabacay #FindPresidentUhuru, mana ahan wax hore loogaga bartay Uhuru Kenyatta in laga waayo meel fagaare ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay Madaxtooyada dalka Kenya oo ku saabsan xaalada Madaxweyne Kenyatta. Hase yeeshee waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha dalka Itoobiya  Sahle-Work Zewde ay dhowaan booqasho hal maalin ah ku tegeyso dalka Kenya,sida laga soo xigtay safaaradda Itoobiya ee ku taalla Nairobi.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]