4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Milateriga Soomaaliya oo dhaqdhaqaaqyo ka wadda gobolka Shabeellaha hoose

Axad, May, 12, 2019 (HOL) –  Ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo ka wadda deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ,iyadoo howlgallada ugu ballaaran laga fuliyay deegaannada Bariire iyo Nambar 50, sida laga soo xigtay saraakiisha.

Howlgalka inta uu socday ayaa ciidanka amniga waxaa ay ku guuleysteen inta u dhaxeysa deegaannada Bariire iyo Nambar 50 in laga saaray miinooyin dhulka la galiyay.

Taliyaha ciidammada dhulka Jen. Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in howlgalkaas uu yahay mid looga gol leeyahay in lagula dagaallamo al-Shabaab,isla markaana looga hortago miinooyin ay ku aaseen waddooyin ka mid ah kuwa gobolka Shabeellaha hoose.

Howlgallada ayaa qayb ka ah dhaqdhaqaaqyo ay ciidanka toddobaadyadii u dambeeyay ka wadeen gobolka Shabeellaha hoose.

Iman Mohamed Jama,Hiiraan Online
[email protected]