4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 12, 2019
Taliyihii ciidanka isku-dhafka gobolka Mudug oo la dhaawacay

Axad, May, 12, 2019 (HOL) – Rag hubaysan ayaa xalay dhaawacay taliyihii ciidanka isku dhafka gobolka Mudug,Khaliif Nuur Shiil,xilli uu kasoo baxay masjid uu kusoo tukaday salaadii Taraawiixda mana jirin ilaalo la soctay sarkaalka.

Illaa saddex nin oo dhallinyaro ah ayaa la sheegay weerarka inay ka dambeeyeen ,iyadoo ciidammada isku-dhafka iyo hay'adaha ammaanka ay sheegeen inay wadaan howgallo lagu baadi goobayo ciddii ka dambeeysay weerarkii lagu qaaday sarkaal ka tirsan Ciidanka, balse ma aysan sheegin cid ay gacanta ku dhigeen.

Ciidanka isku-dhafka gobolka Mudug oo dhismahoodda ay kaalin ka qaadatay dowladda federaalka iyo Qaramada Midoobay ayaa la dhisay kaddib dagaalladii Gaalkacyo ka dhacay kuwaas oo loogu talagalay xasillinta xiisadaha mararka qaar ka dhaca gobalka waxayna inta ay dhisan yihiin ay ku guulaysteen xal u helidda dagaalladii ku soo noq noqday Gaalkacyo.

Bishii April ee sannadkii hore ayaa weerar is-miidaamin lagu dilay taliyihii hore ee ciidanka isku-dhafka iyo saraakiil kale ,xilli ay ku sugnaayeen daanta waqooyi ee Gaalkacyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]