4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Ardeyda Dugsiyada sare ee gobolka Hiiraan oo maanta u fariisatay Imtixaanka Shaadiga


Sabti, May, 11, 2019 (HOL) – Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, kan gobolka Hiiraan iyo degmada Beledweyne ayaa goob joog u noqday maanta furitaanka imtixaanka Shaadiga ee dugsiyada sare ee dalka oo maanta inta badan Soomaaliyda ardeydu u fariisteen.

Guddoomiyaha Waxbarashada gobolka Hiiraan Cismaan Maxamed Cilmi {Caato} oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in sanadkan guud ahaan marka la eego gobolka Hiiraan ay imtixaankan u fariisteen tiro dhan 1, 4 67 Ardey oo 1, 363 ka mid ah ay imtixaanka u fariisteen degmada Beledweyne oo kaliya.

Wuxuu sheegay in magaalada Beleweyne Lix goobood loo asteeyay in Imtixaanka lagu qaado, halka degmada Buula-buurte Labo goob loogu talagalay in ardeydu Imtixaanka ku gallaan waxaana xusid mudan in Ardeyda degmada Jalalaqsi Imtixaanka ku gallayaan degmada Buula-burte.

Mas’uuliyiintii ka qeybgashay daah furka Imtixaanka ayaa ka sheekeeyay muhiimada u ardeyda u leeyahay Imtixaanka Shaadiga ee heer Qaran, kaa oo wax weyn ka taraya sida ay hadalka u dhigeen in ardeygu horay u sii wato waxbarashadiisa ilaa heer Jamacaddeed.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa daah furay bilowga imtixaanka Shahaadiga ee heer Qaran, isaga oo Ardeyda u rajeeyay guul iyo in ay natiijo wanaagsan ka soo hooyaan Imtixaankan.

Guud ahaan Soomaaliya marka la eego Imtixaanka maanta oo uu daah furay ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar waxaa ka qeyb qaadaneysa ardey 31,500 sida uu sheegay wasiiru-dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Maxamuud Maxamed (Jaabir).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]