4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Ardey Aragga La oo markii ugu horeysay ka qeybgaleysa Imtixaanka Shahaadiga ee heer Qaran


Sabti, May, 11, 2019 (HOL) – Waxaa maanta sirasmi ah u bilaabanaya imtixaankii Shahaadiga ahaa ee dugsiyada sare ee dalka, kaasi oo ay qaadayso dowladda Federaalka Soomaaliya.

31,500 oo Arday ayaa u fariisinaya Imtixaankaasi, taasi oo ah tiradii ay horey u shaacisay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Waxaa markii ugu horeysay imtixaanka mideysan ee dugsiyada sare ee Dowladda Soomaaliya ka qeybgalaan arday Aragga la' oo gaarayo illaa 28 arday oo isugu jiray Gabdho iyo Wiilal.

22 kamid ah Ardaydaas araga la' ee maanta Imtixaanka u fadhiisatay ayaa waxa ay kasoo qalin jabiyeen Dusiga indhoolayaasha ee Al-Nuur kaa soo ay gacanta ku heyso Shirkadda Hormuud qeybteeda Hormuud Foundation.

Guddoomiyaha hey’adda Hormuud Foundation Cabdullaahi Nuur Cismaan oo sharraxaad ka bixiyey xaaladda Arday ayaa sheegay aydaydu ay marxalad adag wax kusoo barteen, wuxuu intaas ku daray in School-ku uu ka kooban yahay Dugsi Hoose Dhexe oo kaliya sidaas daraadeedna ay Hey’addu bixiso Kharashka & lacagaha ay Dugsiyada sare ku dhigtaan, wuxuuna intaas ku daray in sanadkan la hir gelin doono Dugsi Sare, uuna haatan dhismihiisu ka socdo Deegaanka Daaru-salaam.

Ra'isul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo kormeer ku tagay goobaha Imtixaanka ka socdo ayaa Shirkadda Hormuud uga mahadceliyey sida ay uga shaqeysay inay Maanta imtixaanka soo fadhiistaan arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo wax kusoo bartay Machadka Indhoolayaasha ee Al-Nuur oo ay kafaala qaaday Shirkadda Hormuud.

Machadka Al-Nuur ee Indhoolayaasha ayaa waxaa wax ku barto arday badan oo indhoolayaal ah kuwaas oo ku jiro heerarka Hoose, Dhexe iyo Sare ee waxbarashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]