4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyay hindise sharciyeedka shirkadaha

Sabti, May, 11, 2019 (HOL) – Baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankooda 13-aad ee kalfadhiga shannaad ayaa akhrinta 1-aad marsiiyey hindise sharciyeedka dakhliga oo ay soo diyaarisay wasaaradda maaliyadda,waxaana golaha u akhriyay wasiirka maaliyadda ,Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa ay xildhibaannada  Akhrinta seddaxaad marsiiyeen hindise sharciyeedka shirkadaha  ,waxaana xildhibaannada  u faah faahiyay Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beene Beene oo ah guddoomiyaha guddiga ganacsiga,dhaqaalaha,warshadaha iyo maalgashiga ee golaha shacabka.

Xildhibaannada ayaa cod geliyay hindise sharciyeedka shirkadaha ,waxaana haa ku ogolaatay 142-Xildhibaan oo aheyd tirada guud ee xildhibaannada kulanka joogay sida uu natiijada ku dhawaaqay kusimaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha shacabka  Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) oo kulanka soo xiray.

Dhinaca kale, xildhibaannada ayaa furitaankan kulanka waxa ugu horreyn uu  ku-simaha guddoomiyaha golaha shacabka ahna guddoomiye kuxigeenka koowaad ee golaha shacabka , Cabdiwali Sheekh Ibraahim (Muudey) uu ka tacsiyadeeyay geeridii Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf  (Cabdi waraabe) oo shalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]