4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 11, 2019
Axmed Madoobe: Ma jirto cid doorasho federaalka iyo mid maamul-gobolleed hal maalin ku darsan karta


Sabti, May 11, 2019 (HOL)-  Madaxweynaha dowlad-gobolleedka Jubbaland,Axmed Maxamed Islaam ayaa dowladda federaalka ku eedeyay fashilka ku yimid shirkii muddada toddobaadka ahaa ka socday magaalada Garoowe ee dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in shirkii Garoowe diirrada lagu saarayay qodobbo kala duwan oo ay ka mid yihiin arrimaha siyaasadda iyo sidii siyaasadda waddanka salka loogu dhigi lahaa isla markana loo soo afjari lahaa kala fikir duwananta jirtay balse aysan madaxda dowladda federaalku arrintaas diyaar u ahayn taasna ay sababtay in shirku uu natiijo la’aan ku dhammaado.

Wuxuu inta ku daray in dib u eegista Dastuurka iyo qaabka loo waddo oo aan ka turjumaynin maslaxada dalka ay qayb ka ahayd wada-hadallada balse aysan dhicin in heshiis rasmi ah laga gaaro iyadoo madaxda dowladda federaalku ay ka cago jiidayeen - waxaa uu sheegay in dastuurka dib u habayntiisa ay tahay arrin ka wada dhaxaysa dowladda federaalka ah iyo dowlad-gobolleedyada laakiin ay madaxda federaalku u arkeen wax iyaga kaliyah ay ka go'aan gaari karaan.

"Dowladda federaalka ahmiyad badan uma hayso arrinta doorashooyinka,iyada ayaa ka baxday heshiiskii Baydhabo ee qaybsiga khayraadka iyo heshiiskii laga gaaray arimaha doorashooyinka isla markana aanay jirin wax heshiis lagu yahay oo la xiriira doorashooyinka 2020ka lagu waday in ay dalka ka dhacaan." ayuu yiri madaxweynaha Jubbaland.

"Heshiis laguma aha in al-Shabaab laga saaro dalka, dowladda federaalkana taas ma ay dooneyso" ayuu yiri isagoo arrimaha amniga ka hadlayay.

Khilaafka Galmudug ayuu sheegay madaxweynahu in ay qayb ka ahayd wada-hadallada balse madaxda dowladda federaalku aysan diyaar u ahayn in xal waara laga gaaro,sida u sheegay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Jubbaland wuxuu caddeeyay in aan hal maalin ah lagu daraynin doorashooyinka federaalka iyo kuwa dowlad-gobolleedyada isla markana wararka been abuurka ah ee la xiriira in Jubbaland iyo Galmudug ay doonayaan wakhti kororsi ay yihiin kuwa aanay waxba ka jirin oo shacabka lagu marin habaabinayo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]